NILAAN Hair Care Products

Timaha waa qurux, kalsooni, iyo astaan qofeed. Daryeel la’aan ama isticmaal alaabo tayo liidata waxay sababi kartaa timo daata, qallayl, iyo dhaawac joogto ah. NILAAN Hair Care Products waxaa loo sameeyay in ay bixiyaan daryeel dabiici ah (Natural 100%), kuna saleysan quality, care, iyo trust.

NILAAN waxay ku habboon tahay rag iyo dumarba, isla markaana ka shaqeysa dhammaan noocyada timaha:
timaha qalalan, saliidda leh, iyo kuwa dhaawacmay.


Maxaa NILAAN Ka Dhiga Mid Gaar Ah?

  • 100% Natural & gentle on hair
  • Waxay nafaqeysaa timaha iyo scalp-ka
  • Waxay yareysaa timo daadashada
  • Waxay ka caawisaa timaha inay dheeraadaan
  • Waxay siisaa timaha jilicsanaan iyo dhalaal dabiici ah

NILAAN ma aha kaliya alaab, waa daryeel joogto ah.


NILAAN Shampoo – Nadiifin Jilicsan & Nafaqo

NILAAN Shampoo wuxuu si tartiib ah u nadiifiyaa timaha iyo madaxa, isagoo aan dhaawicin saliidda dabiiciga ah ee timaha.

Faa’iidooyinka Shampoo-ga:

  • Wuxuu ka caawiyaa joojinta timo daadashada
  • Wuxuu nadiifiyaa scalp-ka isla markaana nafaqeeyaa
  • Wuxuu diyaariyaa timaha si ay u nuugaan conditioner iyo oil
  • Ku habboon timaha qalalan, saliidda leh, iyo kuwa dhaawacmay

Sida loo isticmaalo:

  • Isticmaal 1 ilaa 2 jeer usbuucii
  • Ku mari timaha qoyan, si tartiib ah u duug scalp-ka
  • Ku raaci biyo nadiif ah

NILAAN Conditioner – Jilicsanaan & Xoog

Kadib nadiifinta, timaha waxay u baahan yihiin soo celin. NILAAN Conditioner wuxuu timaha ka dhigaa kuwo jilicsan, fudud in la shanleeyo, kana ilaaliya jabniinka.

Faa’iidooyinka Conditioner-ka:

  • Wuxuu jilciyaa timaha
  • Wuxuu yareeyaa qallaylka iyo jabniinka
  • Wuxuu kordhiyaa dhalaalka timaha
  • Ku habboon rag & dumar

Sida loo isticmaalo:

  • Isticmaal kadib shampoo
  • Ku reeb timaha 2–3 daqiiqo
  • Ku raaci biyo

NILAAN Hair Oil – Nafaqo Qoto Dheer & Kobcin

NILAAN Hair Oil waa saliid dabiici ah oo si qoto dheer u quudisa timaha iyo scalp-ka.

Faa’iidooyinka Hair Oil:

  • Waxay ka caawisaa timaha inay dheeraadaan
  • Waxay yareysaa timo daadashada
  • Waxay nafaqeysaa scalp-ka
  • Waxay xoojisaa xididdada timaha

Sida loo isticmaalo:

  • Isticmaal 1 ilaa 2 jeer usbuucii
  • Ku duug madaxa si tartiib ah
  • Waxaa la mari karaa habeen ama subax

NILAAN Hair Mask – Soo Celin & Dayactir

Timaha dhaawacmay waxay u baahan yihiin daryeel gaar ah. NILAAN Hair Mask waxay timaha siisaa nafaqo qoto dheer oo soo celisa caafimaadkooda.

Faa’iidooyinka Hair Mask:

Waxay siisaa jilicsanaan iyo muuqaal caafimaad leh

Waxay dayactirtaa timaha dhaawacmay

Waxay ka dhigtaa timaha kuwo xoog badan

Comments

  1. Hi, this is a comment.
    To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
    Commenter avatars come from Gravatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *